Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Badbaadinta nolosha ee Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, Soomaaliya | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

© JHNP/Adriane Ohanesian 2014

Maalin kasto qaybta qalliinka ee isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, Dr. Maryan Cumar Salaad oo da’deedu tahay 28, waxay caawisaa in ka badan toban hooyooyin ah inay si nabad ah u ku dhalaan. Inkastoo dhalmada intooda badan si caadi ah u dhacaan, ayna ka dhalin karaan umulisooyin tababaran, haddana markay dhibaatooyin imaadaan, Maryan wa inay sameyso qalliin degdeg ah si ay u badbaadiso nolosha hooyada, kan cunuga ama labaduba. Subaxaan, Maryan waxaa u joogaa seddax bukaan oo u baahan qalliin-guumeer oo degdeg ah. ‘’Waan jeclahay inaan hooyooyinka u badbaadiyo carruurtooda iyo hooyooyinka farxaddooda,’’ ayay tiri. Laakin nasiib darro, Maryan waxaa inta badan la hor keenaa xaalado adag ee dhalmada la xiriira, waana qayb ka mid ah shaqadeeda ay u ku raja wayn tahay in ay is beddeli doonto.

Mid ka mid jah wareerka ay Maryan la kulanto waa in dumarka ay iska sugaan ilaa iyo markii xaaladdooda khatar gasho kadibna ay isbitaalada ka raadsadaan daryeel caafimaad. Maryan ayaa faahfaahisay, ‘’Hooyadii wa ay ka joogaysaa isbitaalka ilaa ay waddo kale wayso. Kadibna Isbitaalka ayay imaan ayadoo xaaladdeeda aad u xun tahay. Waqtiyada qaar hooyadii waxaa la keenayaa iyada oo geeriyootay.’’ Waxay intaas ku dartay, ‘’mar kastaba way adag tahay arrinta, waxaan isku dayaa inaan qoyska baro, waxaan isku dayaa inaan hooyada siiyo waxbarasho caafimaad, waxaana u sheegaa waxa ay kaga hor tagi karaan xaaladdan oo kale si ayna mar kale u dhicin.’’

Markii lagasoo tago inay ka shaqeysiiso qaybta umulaha ee isbitaalka iyo in ay hooyooyinka dhibanayaasha ah u sameyso qalliin, Maryan waxay hormarisaa dhaqanada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah. ‘’Fikradaha qaar wa ay is beddeleyaan, balse dadka intooda badan weli waxay u baahan yihiin waxbarasho caafimaad iyo hagid badan,’’ ayay tiri. Aqoon la’aanta iyo wacyi gelin la’aan ayaa kaalin wayn ka qaatan dhimashada hooyada iyo dhallaanka ee bulshooyinka. ‘’ Xaalado fudud ayaa waxay keeni karaan in hooyada iyo cunugeeda noloshooda ku waayaan, taasna waa niyad-jab. Xaaladaha noocaas waa qalbi-jab. Haddii ay hooyooyinka diyaar u yihiin inay si caadi ah u dhalaan iyo haddii ay yimaadaan xaalado adag oo khatar ah, Maryan waxay rajaynaysaa in dhammaan dumarka iyo carruurtooda ay meel u haboon siiso. ‘’Haddii ay isbitaalka ku dhalaan, ama rug caafimaad, wa ay ka nabad badantahay in ay guriga ku dhasho hooyada. Isbitaalkan waxay ka helaan jawi wanaagsan ay ku badbaadi karaan hooyada iyo cunugeedaba.’’

Xarumaha  24 saacadood furan ee badbaadada degdegga ah iyo daryeelka dhameystiran ee uurreeyda iyo umulaha iyo carruurta dhallaanka ah (CEmONC) ee isbitaalka Banaadir waxaa suurta galisay barnaamijka wadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya. (JHNP).

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends