Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Barashada naf-badbaadinta ee dugsiga tababarka umulisooyinka oo ku yaalo Burco, Somaliland | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

© JHNP/Adriane Ohanesian 2014

Nimco Cabdi Axmed oo da’deedu tahay 20 jir waxay kasoo tagtay tuuladooda si ay u gasho dugsiga tababarka umulisooyinka ee Burco, Somaliland. Sanado yar ka hor, mid ka mid ah Nimco saaxibadeed oo 17 jir ahayd ayaa umul raacday. ‘’Taasi waa mid ka mid ah sababaha aan u doonaayo inaan barto xirfadahan nolosha lagu badbaadinaayo,’’ ayay tiri Nimco. ‘’Waxaan rabaa inaan ka hor tago dhimashada hooyooyinka iyo carruurta ee bulshadeyda. Taasi waa sababta aan u rabo inaan noqdo  umuliso,’’ ayay ku dartay.

Markay dugsiga umulisooyinka ay gasho, Nimco waxay  helaysaa fursad ay ku barato sida loola socdo hooyoyinka inta ay xaamilada yihiin, inay ku caawiso markay umulayaan iyo inay u daryeesho iyaga iyo carruurtooda markay umulaan kadib. Umulisooyinka waxaa kale loo tababaraa in wakhti fiican ay u gudbiyaan xarumaha caafimaadka haddii ay jiraan dhibaatooyin. Tuulooyinka sida kan ay kasoo jeeddo Nimco, dumarka inta badan waxay umulaan iyagoo caawinaad ka helayaan umuliso-dhaqameedyada, kuwaas oo intooda badan haysan tababar rasmi ah. ‘’Maalin kastaba hooyoyinka waxay u dhintaan dhiig bax, daryeel la’aan iyo inay waayaan adeegyada caafimaadka asaasiga ah. Taasina waa sababta ay wax barashadu isbeddel badan iyo faa’iidooyin badan ay u keeni karto bulshada,’’ ayay tiri

Dhaqanka gudniinka fircooniga ah (FGM) waxay keentaa dhibaatooyin dheeraad ah xiliga dhalmada. ‘’Gudniinka dhibaato ayay keentaa,’’ ayay tiri Nimco. Dhibaatada ugu weyn waa cudurka isku furanka ah ee fistula, sababtoo ah umuliso-dhaqameedyada waxay isku dayaan inay furaan ama weyneyaan makaanka dhalmada, laakin ma qabaan xirfaddeeda ama cilmi, mana haystaan qalabka lagu talo galay, taasna waxay keeni kartaa dhibaato aad u fara badan,’’ ayay ku sii dartay iyadoo madax ruxayso.

Bulshada ay kasoo jeeddo Nimco, dumarka intooda baday waa la guday. Ha ahaatee, Nimco waxay aaminsan tahay in dhaqankan si tartiib ah u baabi’I doono inta ay bulshada sii ogaanayaan saameynta xun ay ku leedahay caafimaadka dumarka. ‘’Aad bay u adagtahay in ay dumarku dhalaan markay gudan yihiin,’’ ayay tiri. ‘’Looma baahno. Dhibaatooyin badan bay u keentaa dumarka. Caadada uma dhici karo si caadi ah, dhalmada waa dhib, galmada sidoo kale waa dhib, raaxana ma laha waayo wax kasto way beddelan yihiin,’’ ayay  ku dartay. ‘’Dadku kaliya waxay u baahan yihiin wax barasho wax ku ool ah iyo wacyi gelin. Mar haddii dadka wax la baro, dhaqanka gudniinka fircooniga wuu yaraan,’’ ayay tiri. Mar haddii ay dhameyso tababarka umulisonimada, Nimco waxay cilmigan la wadaagi kartaa bulshada ay kasoo jeeddo, waxayna sidaas ku badbaadineysaa nolosha dumarka iyo carruurta ku nool tuulada ay ka timaaday.

Mashruuca tababarka umulisooyinka ee lagu badbaadinaayo nolosha ee ka socota Burco, Somaliland, waxaa fududeeyay barnaamijka wadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya. (JHNP).

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends