Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Daaweeynta badbaadada ah ay Iisho ku heshay Qaybta dhalmada ee isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, Soomaaliya | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

© JHNP/Adriane Ohanesian 2014

Iisho Aden Cabdulle oo da’deedu tahay 27 jir, iyo lixdeeda carruur waxay isla joogeen gurigooda oo ku yaalo tuulada Murale, oo caasimadda Muqdisho u jirto 250 kilomiitar, markay foosha gashay. Waxay ku rajo weyneyd inay si caadi ah gurigeeda ku dhasho, laakin xaaladda ay martay waxay ahayd mid caadi ka fog. Waxay foosha kusii jirtay toban maalmood oo kale, taasoo ay nolosheeda ku waayi gaartay.

Umuliso-dhaqameedyada wa ay soo gaari kari waayeen roob da’aayey awgii. Inta ay xarun caafimaad aadi lahayd, gurigeeda ayay kusii jirtay muddo afar maalmood, maalin kastana, xanuunkeeda wuu kasii daraayey. Waxay bilowday inay aad u dhiig baxdo, taasna waxay sababtay wax ay dhakhaatiirta u maleeyeen dilaac xagga ilmo-galeenka ah. ‘’Waan neefsan kari waayay waxaanna dareemay inay wax khaldan yihiin,’’ ayay tiri. ‘’Xanuunkii waan u adkeysan waayay. Waxaan waydiiyay qoyskeyga ’Maxaad sameyn rabtiin? Inaan sii noolaado miyaad rabtaan mise inaan dhinto?’’ Ugu dambeyntii wa ay aqbaleen inay Iisho geeyaan xarun caafimaad, balse ma ahayn mid fudud in la sameeyo.

Sababtoo ah ma jirin wax baabuur ah oo ka hawl galaayay tuuladooda; ninkeeda, eedadeed iyo abtigeed waxay saareen gaari dameer oo lagu kaxeynaayay sac. Waxay ahayd safar aad u xanuun ba’an. Waddada wa ay xumeyd, mar kasta uu gaari dameerkii ku dhaco meel, Iisho aad bay u xanuunsaneysay. ‘Waxaan dhaafnay labo ilaa seddax magaalo, laakin ma jirin wax xarun caafimaad ah,’’ ayay tiri. Xita haddii uu jiray xarun, sababo la xiriira amniga ayaa looga qaxay. Waxay ka codsatay qoyskeeda, ‘’fadlan i geeya Muqdisho si aan isbitaal u helo. Mar dambe yaan la joogsan.’’

Ugu dambeyntii Iisho waxaa la gaarsiiyay isbitaalka Banaadir ee Muqdisho. Waxay ahayd toban maalmood kadib markay foosha gashay. Kalkaaliso ayaa fahamsiisay inay Iisho xaalad aad u liito ay ku jirto; in miyirkeeda marna ka tegaayay marna usoo noqonaayey, dhiigana inuu ku yaryahay, wa ay qandheysneyd, ilmo-galeenkeedana dhowr maalmood ayuu dilaacsanaa. Dhiig ayaa lagu shubay, ilmo-galeenkeedana wuu xumaa ilaa ay dhakhaatiirka ay ku sameeyaan qalliin lagu bixinaayo qayb ka mid ah ilmo-galeenkeeda. Iisho waxay ku xamdineysay inay weli nooshahay. ‘’Qalliinka markaan galay habeenkaas ayaa hurda igu horeysay kow iyo toban maalmood kadib,’’ ayay tiri Iisho, ayadoo madaxa ruxaayso.

Shan maalmood ayaa laga jooga markay qalliinka gashay, haddana inkastoo ay isku buuqsan tahay dhibka ay martay awgii, Iisho wa ay xoogan tahay.  ‘’Waxaan helay deryaalka aan mudnaa, daaweynta, nadaafadda iyo wax kasto aan u baahnaa,’’ ayay si kalsooni leh u tiri. Inkastoo uu ka dhintay cunugeeda, mar dambana ay dhali doonin, waxaa ayada muhiim u ah inay nolosheeda sii wadan karto. ‘’Dhakhaatiirta waxay ahaayeen dad walaalahay oo kale,’’ ayay tiri. ‘’Aabahey ma dhalin, laakin qof walaashood inaan ahay camal ayay ii caawiyeen.’’

Xarumaha 24 saac furan ee badbaadada degdegga ah iyo daryeelka dhameystiran ee uurreeyda iyo umulaha iyo carruurta dhallaanka ah (CEmONC) ee isbitaalka Banaadir waxaa suurta galisay barnaamijkawadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya (JHNP).

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends