Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Dhalmada Mucjisada ah ee (ka dhacay) Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, Soomaaliya | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

Ohanesian_JHNP_Somalia_NovDec_2014_Mog_Web_46

Markii ay gaartay isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, Xaawo Oofay Macallin waxay foosha kusii jirtay ku dhowaad shan maalmood. Waxay u safartay 250 kilomiitar si ay u gaarto isbitaalka kadib marki ay umuliso-dhaqameedyada ku guuldareysteen inay ka caawiyaan dhalmada cunugeeda oo garabka soo hor mariyay.

Xaawo waxay ku jiiftay miiska qaybta dhalmada intii ay Dr. Maryan Cumar Salaad ku sameyneysay baaritaan lagu ogaanayo shanqarta iyo dhaqdhaqaaqa jirka gudihiisa ee ultrasound-ka.  Iyadoo ay ka baarayso wadna garaaca, Dr. Maryan wa ay waysay wax muujiya inuu cunuga noolyahay. Dr. Maryan waxay diiradda saartay Xaawo caafimaadkeeda waayo Xaawo waxay la il darneyd infekshen. ”Inay ficnaato ayan rajeynayaa. Waan dadaaleynaa waanna isku dayeynaa inaan badbaadino,” ayay tiri Dr. Maryan. ”Inkastoo uu ka dhintay cunugeeda, ma jiro qaab ay kusoo saari karto cunuga. Waa inaan ku sameynaa qalliin-guumeer,” ayay kusii dartay Dr. Maryan

Dr. Maryan wa ay ogsoonayd in Xaawo ay kaliya u banaaneyd inay marto habka qalliinka. Ha ahaatee Dr. Maryan iyo Xaawo midna lama imaan karin go’aanka kama dambeyska ah ee nafta lagu badbaadinaayo. ”Waa inaan ogolaansho helaa waayo mas’uul kama noqon karo gabar dadow,” ayay tiri. ”Bukaanka ma bixin karto ogolaanshaha wax la xiriira nafteeda,” ayay fahfaahisay Dr. Maryan. Xaawo wa ay kusii kor jiiftay miiska iyadoo xanuunsan ilaa iyo intii ay ogalaansho ka heshay ninkeeda, aabaheed iyo hooyadeed. Haddii mid ka mid ah seddaxdaas uu diidi lahaa, Dr. Maryan waxna ma ay sameyn kari lahayn si ay u badbaadiso Xaawo. ”Ogolaanshaha in la helo waxay sababtaa dib u dhac iyo dhibaatooyin fara badan,” ayay tiri Dr. Maryan. “Inta badan waxaan ku waynaa carruurta muddada aan ogolaanshaha sugayno. Marar kalena, oo ah mid aad u murugo badan waxaan ku waynaa hooyada sababo la xiriira dhibaatooyin timaada muddadaas la sugaayo (ogolaanshaha),” ayay kusii dartay iyadoo madaxa ruxaayso. “Fikradaha qaarkood wa ay isbeddelayaan, laakin dadka intooda badan weli waxay u baahan yihiin waxbarasho caafimaad iyo hagid badan,” ayay tiri.

Ugu dambeeyntii, Xaawo hooyadeed ayaa isbitaalka soo gaartay waxayna bixisay go’aanka kama dambeyska ah in ay gabadheeda qalliin gasho. Xaawo waxaa loo sogootiyay dabaqa kore, iyadoo ay Dr. Maryan isku diyaarineysay qalliinka inay sameyso. Dr. Maryan waxay horaanba u sheegtay Xaawo in cunugeeda uu ka badbaadin foosha wakhtiga dheer qaatay. Gudaha qaybta qalliinka, Dr. Maryan wa ay rajo xumeyd.

Balse, inta ay wiilka kor usoo qaadaysay indhaheeda waxay la weynaadeen yaab, wayna neef tuurtay ka hor intay dhihin, ‘’Wuu noolyahay! Ilaahayow, wuu noolyahay!’’

Xarumaha  24 saacadood furan ee badbaadada degdegga ah iyo daryeelka dhameystiran ee uurreeyda iyo umulaha iyo carruurta dhallaanka ah (CEmONC) ee isbitaalka Banaadir waxaa suurta galisay barnaamijka wadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya. (JHNP).

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends