Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Dhalmada qalliinka ah ay Xamdi ku gashay isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, Soomaaliya | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

© JHNP/Adriane Ohanesian 2014

intii ay Xamdi Xussein Sheikh oo ah haweeney 20 jir oo ka timid Muqdisho kasoo kabaneysay qalliinka ay ku gashay qaybta dhalmada ee isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, wiilkeeda oo jira seddax maalmood garabkeeda ayuu jiifay.

Muddadii ay uurka lahayd, Xamdi waxaa ka dhaadhacsanaa in qaabka kaliya ay si nabad ah ku dhali karto ay tahay inay qalliin gasho. Toddoba sano ka hor, Xamdi waxaa ku dhacay rasaas wiifto ah, waxayna kaga dhacday laf dhabarka taasoo curyaamisay qaybteeda hoose. Markay uurka qaadday, waxay garaneysay waxa kaliya ay sameyn karto. ‘’Go’aankeyga wuu caddaa,’’ ayay tiri, ‘’waxaan ogaa xaaladda aan ku jiro awgeed, inaan isbitaal ku dhali doono qalliinna la igu sameyn doono.’’ Hadii aysan ahayn qaybta dhalmada ee isbitaalka Banaadir, ayay tiri Xamdi, ‘’waxaan ku sugnaan lahaa xaalad khatar ah. Ma aqaan waxaan sameyn lahaa. Waxay ahayd hab aad u wanaagsan,’’ ayay ku dartay iyadoo wiilkeeda Khalid ahaa gacantiiisa salaaxeyso.

Mar alaale markay foosha gashay, Xamdi oo uu weheliyo ninkeeda waxay si toos ah u aadeen isbitaalka oo ah mid 24 saacadood furan si ay u dhasho. Inkastoo ninkeeda uu ahaa mid mar kastaba garab taagnaa, qaraabadeeda wa ay welwelsanaayeen. ‘’Qaar ka mid ah qaraabadeyda waxay I dheheen hadii aan qalliin galo waan dhiman, wiilkeygana wuu dhiman,’’ ayay tiri Xamdi. ‘’Hadda cabsidaas way I dhaaftay,’’ ayay ku dartay, ‘’aniga iyo wiilkeygaba waan joognaa.’’ Xamdi waxay aad ugu faraxsaneyd inay dadkeeda u laabato una caddeeyso in wararka lagu liidaayo tayada daryeelka degdegga ah ee uurreyda iyo umulaha ay yihiin kuwo been ah, sababtoo ah  iyada iyo wiilkeedaba midna kuma waxyeeloobin habka la mariyay.

Xamdi waxay aad ugu qanacday waxay kala kulantay isbitaalka ilaa ay ka tiraahdo waxaan jeclaan lahaa mustaqbalka ilmo kale inaan dhalo. ‘’Haa, dabacan waxaan jeclahay inaan ilmo kale Khaalid oo kale inaan dhalo,’’ ayay tiri, ‘’waxaan rajeynayaa inuu Khaalid dhakhtar noqdo si uu u badbaadiyo carruurta kale sidii asaga loo badbaadiyay oo kale,’’ ayay ku dartay iyada oo dhoola caddeeyneyso.

Xarumaha furan 24 saacadood ee badbaadada degdegga ah iyo daryeelka dhameystiran ee uurreeyda iyo umulaha iyo carruurta dhallaanka ah (CEmONC) ee isbitaalka Banaadir waxaa suurta galisay Somali Joint Health and Nutrition Program (JHNP). Barnaamijka wadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya.

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends