Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Doorka dadka ka shaqeeya caafimaadka bulshada ee Garoowe, Puntland | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

© JHNP/Adriane Ohanesian 2014

Ubau Maxamed Axmed oo da’deedu tahay 22 jir waa shaqaale caafimaadka bulshada ee Garoowe, Puntland. Waxay u dhaxeysaa dadka barakacayaasha iyo rugta caafimaadka ee hoyooyinka iyo carruurta ee Nugal, waxayna ka shaqeysa inay wargeliso bulshada, talooyin siiso iyo inay gudbiso bukaanada.

Sababo la xiriiro nadaafadda ee xerooyinka barakacayaasha, dhibaatooyinka ugu badan ay Ubau ku aragto carruurta waxaa ka mid ah shubanka, wareentada iyo nafaqo darro. Ubau waxay leedahay waxay la shaqeysaa qoysaska si ay ugu dhiiri galiso nadaafadda guryaha iyo agagaarkooda. Waxay xaqiijisaa in dadka dhibanayaasha ay u gudbiso xarumaha caafimaadka. ‘’Waa masuuliyaddeyda inaan baxo oo aan gurigooda kula kulmo hooyo kasto iyo qoys walibo,’’ ayay tiri. ‘’Dhib bay ku tahay in ay fahmaan adeegyada caafimaadka, sidaas darteed waa inaan aniga aado oo aan ka dhaadhiciyo aanna u diro xarumaha caafimaadka,’’ ayay ku dartay.

Ubau waxay nooga sheekeysay sheeko ku saabsan hooyo iyo cunugeeda oo lagu daaweeyay xarunta caafimaadka ee Nugaal. ‘’Waxaan ku arkay astaamaha nafaqo darrada, cunugeedana waa uu dhib qabay,’’ ayay tiri Ubau. Markay wakhti la joogtay hooyadii, Ubau waxay ku guuleysatay inay ka dhaadhiciso in cunugeeda lagu caawin karo isbitaalka. ‘’Hooyadii ayaan u tagay muddona waan la qaatay, markii horey waa ay diiday inay wax iga dhageysato, laakin markay aragtay inaan diidanahay inaan ka tago, way ogolaatay waxayna iiso raacday xarunta caafimaadka,’’ ayay tiri. Markii cunuga la daaweeyay, Ubau waxay u tagtay hooyadii ka caga jiidaysay inay cunugeeda baaritaan geeyso si ay u xaqiijiso inay ku faraxday adeega ay ka heshay isbitaalka. Sidan oo kale, Ubau waxay sii waddaa inay bulshada la shaqeyso si ay u faafiso aqoonta iyo inay barto dadka muhiimadda daryeelka caafimaadka. ‘’Inta badan deris-deris ayaa saameyn badan leh.,’’ ayay tiri.

Caqabadda ugu weyn ay ayada la kulanto waa aqoon la’aanta bulshada ee ku saabsan faa’iidooyinka adeegyada laga heli karo xarumaha daryeelka caafimaadka. Ubau waa inay markii hore ay ka dhaadhiciso dadka bulshada ka tirsan inay ayaga naftooda soo arkaan xarumaha caafimaadka. Ubau waxay leedahay waxay aragtay horumarka ka jira xerooyinka barakacayaasha. ‘’Isbeddelada aan arkay waxaa ka mid ah ogolaanshaha barnaamijka nafaqada iyo talaalka.’’ Ayada oo si wadataa waxay tiri, ‘’waxaa kaliya aan gartay waa in loo baahan yahay inaan yeelano dulqaad. Waayo waxaan u shaqeynaa bulsho aqoon darro hayso, waxaan isu arkaa qof masuul ah, waana shaqo aad u muhiimsan, waana sababta loo baahan yahay inaan sii wado, waan aaminsanahay.’’

Howshan badbaadineed ee Shaqaalaha caafimaadka bulshada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah adeegyada caafimaadka, waxaana suurta galisay barnaamijka wadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya (JHNP).

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends