Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Farxiyo oo si nabad ah ku umushay Xarunta daryeela caafimaadka ee Dr. Alag ee Burco, Somaliland | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

© JHNP/Adriane Ohanesian 2014

Waxay ahayd wakhti galabnimo, Farxiyo Yusuf Karagre oo da’deedu tahay 40 waxay ku jirtay foosha ee cunugeeda labo iyo tobanaad. Waxay ku foorartay sariirta ku dhex jirto xarunta daryeelka caafimaadka ee Dr. Alag oo ku yaalo Burco. Subaxaas markay Farxiyo foosha ay gashay, waxay si toos u tagtay isbitaalka maadaama ay saaxibadeed ay u sheegeen in isbitaalka uu uga wanaagsan yahay inay guriga ku dhasho.

Maadaama ay kala bar carruurteeda ay ku dhashay xarun caafimaad, Farxiyo waxay ogaatay farqiga u dhaxeeyo adeegyada ay ka heli karto goobaha caafimaadka iyo waxay umuliso-dhaqameedyada u tari karaan. ‘’Umuliso-dhaqameedyada wax ma yaqaanaan,’’ ayay tiri iyado si xoog ah u neefsaneyso ayna ku tiirsan tahay birta sariirta. ‘’Wax ma akhrin karaan, ma ahan dad leh aqoon caafimaad,’’ ayay kusii dartay.

Caqabadda iyo cabsida ugu wayn ay hooyooyinka ka qabaan in ay guryahooda ku dhalaan waa dhiig bax. Umuliso-dhaqameedyada inta badan waxay isku dayaan inay ka caawiyaan xagga foosha, lakin haddii aysan lahayn tababar fiican, waxay sababi karaan dhibaato ka badan inta ay xalinayaan. ‘’Umuliso si fiican u tababaran wax kasto way garaneysaa,’’ ayay tiri Farxiyo. ‘’Farqi wayn baa u dhaxeeya inay xarun caafimad ku dhasho. Waxaad helaysaa caawinaad dheeraad ah iyo daawo badan, waxaad heli kartaa caawinaad haddii aad dhiig baxdo, haddii aad tabar darantahayna waxay kuu yeelayaan tabar.’’

Farxiyo in badan bay booqataa xarunta caafimaadka iyada iyo carruurteeda si ay u hesho talaal ama daaweynta nafaqo darrada, shubanka iyo cudurka kaneecada ee Malaria. ‘’Haddii aad xanuun dareemeyso, waxaad aadi kartaa xarunta caafimaadka si aad u heshaan caawinaad adiga iyo cunugaadaba,’’ ayay tiri iyada oo ku dareyso sida ay ugu faraxsan tahay in adeegyada dhammaan ay yihiin kuwo bilaash ah. ‘’Haddii ay lacag iga qaadan lahaayeen ma aan kusoo laabteen.’’ Maadaama ay Farxiyo koow iyo toban carruur leedahay, midna ay caloosha ku siddo, ma ay u suurta gasheen inay bixiso kharashka caafimaadka.

Kalsoonida, aqoonta iyo wacyi gelinta ku saabsan adeegyada aya bixiyaan xarumaha daryeelka caafimaadka waxay xagga muhiimadda la mid yihiin daaweynta nafteeda. Habka ugu fiican ee bulshada lagu baro waxyaabaha ku saabsan daryeelka caafimaadka waa in looga sheekeeyo sheekooyinka wanaagsan ku saabsan bukaanada kale waxay ku arkeen isbitaalka. ‘’Mar kasta aan xarunta caafimaadka yimaado, shaqaalaha caafimaadka waxay I fahamsiiyaan adeegyada aan ka heli karo halkan iyo muhiimadda ay leedahay in xiriir fiican lala sameeyo xarunta. Kadibna waxaan sii faafinaa fariinta,’’ ayay tiri Farxiyo.  Sida ay xarunta uga maqashay saaxibadeed iyo deriskeeda, waxay sii gudbin doontaa fariinta muhiimadda daryeelka caafimaadka iyo in lagu dhalo meel haboon.

Howshan badbaadineed ee laga helaayo Xarunta daryeelka caaafimaadka ee Dr. Alag waa qayb muhiim ah oo ka mid ah adeegyada caafimaadka, waxaana suurta galisay barnaamijka wadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya. (JHNP).

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends