Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Hoostagga daryeelka Niciimo ee xarunta caafimadka ee hooyada iyo carruurta ee bartamaha Burco, ee magaalada Burco, Somaliland | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

© JHNP/Adriane Ohanesian 2014

Niciima Ibraahim oo ah kalkaaliso iyo umuliso, oo da’deedu tahay 27 jir, waxay kormeertaa howlaha xarunta caafimaadka ee hooyada iyo carruurta ee bartamaha Burco, ee Burco, Somaliland. Waxay isbitaalka ka shaqo bilowday iyada oo weli dugsiga kalkaalisooyinka ku jirta. Waayo aragnimada ay ka heshay isbitaalka ayay dhiiri gelin ka heshay inay  ku biirto dugsiga umulisooyinka.’’Waxaan arkay hooyooyin badan oo dhibaatooyin badan la kulamaayay umuliso la’aan dartii. Dumarka qaarkood horteyda ayay ku dhimanaayeen. Xaaladdaas ayaa igu qasabtay inaan noqdo umuliso,’’ ayay tiri.

Markay Niciima dhameysatay wax barashadeeda ee dugsiga umulisooyinka ee Burco, baahida loo qabay shaqaalo caafimad ee xirfadda leh aad ayuu u badnaa waxayna isla markiiba ka shaqo biloowday xarun caafimaad. ‘’Dugsiga umulisooyinka ka hor,’’ ayay tiri Niciimo, ‘’gobolka oo dhan umulisooyin kama jirin. Xita caasimadda iyo agagaarkeeda, umulisooyin kuma aad arki karin. Umulisooyinka tababaran aad bay bulshada u cawiyeen, qaas ahaan hooyoyinka iyo carruurta,’’ ayay ku dartay.

Arrimah  ugu muhiimsan ee ka mid ah shaqada ay ka qabato Niciimo xarunta caafimaadka waa inay caawiso dumarka qaba HIV. Dumar kasto oo xaamilo ah oo timaado isbitaalka waxaa lagu sameeya baaritaanka HIV-ga. Dadka qaba HIV-ga waa laga dhex saara bulshada, waxayna danta ku qasabtaa inay marba meel ay u guuraan, ugu dambeyntina ay ku noolaadaan nolol aad u liito. ‘’Waxaan loo baahnaa inaan dumarka qaba HIV-ga aan siino tixgelin gaar ah,’’ ayay tiri Niciima, ayadoo sii faahfaahisay in umulisooyinka ay sameeyaan digtooni dheeraad ah xiliga dhalmada. Markii xarunta caafimaadka la joogo, ayay sii wadday Niciimo, ‘’hooyada waxaan u sheegna tallaabooyinka ay sameyn karto si ay u ilaaliso gudbinta cudurka, iyo in haddii ay cunugeeda ku dhasho xarun caafimaad ay si caadi ah ku dhali karto.’’ Haddii aysan jirin xarun caafimaad, dumarka iyo dadka qaba HIV meel kale oo ay si nabad ah ku dhali karaan ma helayaan.

Markii lagasoo tago in ay hooyoyinka xaamilada ah iyo carruurta siiyaan adeeg caafimaad iyo nafaqo, inay wax baraan bukaannada waa qayb muhiim ah ay sameeyso xarunta. ‘’Hooyooyinka waxa ay helaan war bixinnada saxda ah iyo wacyi gelinta ee habka si nabad ah ku dhali karaan ay uguna daryeeli karaan ilmahooda,’’ ayay tiri Niciima. ‘’Hadday ahayn isbitaalkan, ma garanaayo xaaladda ay ku jiri lahaayeen hooyooyinka. Hadday ahayn isbitaalkan, dhimashada hooyooyinka xad dhaaf ayay ahaan lahaa,’’ ayay ku dartay Niciima.

Adeegyada lagu badbaadiyo nafta ee laga helo isbitaalka hooyada iyo caruurta ee bartamaha Burco, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah adeegyada caafimaadka, waxaana suurta galiyay barnaamijka wadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya. (JHNP).

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends