Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Kabashada degdegga ah ee Umul ee xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Wardhiiglay, Muqdisho | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

© JHNP/Adriane Ohanesian 2014

Umul oo ah gabar yar oo toban jir ah oo cayilan, waxay ku fadhiisatay hooyadeed dhabteeda iyadoo si tartiib ah u cuneeyso cunada nafaqada ah ee Plumpy’Nuts-ka taasoo la siiyo  carruurta nafaqo darrada hayso. Waa Umul usbuuceeda ugu dambeyso ee barnaamijka nafaqada ee laga bixiyo xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Muqdisho. Labo bilood ka hor, hooyadeed, Xaawo Cali Ibraahim oo da’deedu tahay 30 sano jir, waxay Umul keentay xaruntan caafimaad si loo daaweeyo.

Xaawo iyo qoyskeeda gurigooda oo ku yaalo Baidhabo ayay ka tageen waxayna Muqdisho gaareen sanadka 2000. Xaawo ninkeeda wuu dhintay sidaas darteedna wa inay naftooda u shaqeeyaan iyagoo jooga xarada barakacayaasha. Maadaama ay carruurteeda ka tagi karin, Xaawo gurigeeda agtiisa ayay miro ku iibisaa si ay nolosheeda ku maareeyso.

Markuu Umul xanuunka ku dhacay, Xaawo waxay maqashay xaflad lagu furaayo xarun cusub ee caafimaad meel u dhow gurigeeda. ‘’Maamulka, odayaasha iyo Imaamyada dhammaan waxaay bilaabeen inay isku yeeraan dadka bulshada ka tirsan,’’ ayay tiri. ‘’Markaan maqlay xaruntan inay lacag la’aan tahay, halkaan ayaan imaaday,’’ ayay ku dartay.

Xaawo waxay qiratay in ay markii horee ogayn in gabadheeda nafaqo darro hayso, laakin waxay ogayd in gabadheeda ay xanuunsan tahay. Markii hore Xaawo wa ay welwelsaneyd maadaama ay gabadheeda dhib ku ahayd in ay cunto Plumpy’Nuts-ka. Umul inta ay si tartiib ah u xoogeysaneysay, waxay gaartay inay maalintii seddax baakad oo Plumply’Nuts-ka ah ay cunto, ayna kusii dartay miro inay cunto. ‘’Miisaankeeda wuu fiican yahay, wuuna sii kordhayaa,’’ ayay tiri Xaawo.

Umul waxay ku jirtay barnaamijka nafaqada ku dhowaad labo bilood, maantana, Xaawo waxay u timid inay u uruuriso Umul nafaqadeeda ugu dambeeyso. Xaawo waxay furtay hal baakad waxayna u dhiibtay Umul, Umulna isla markiiba afka aya saartay waxayna biloowday inay cunto. Xaawo waxay u dhoola caddeysay gabadheeda taasoo afkeeda iyo caloosheeda ay saaran yihiin nafaqada.  ‘’Waxaan ka shaqeeyay in dumar iyo carruur kale ay halkan yimaadaan si loo daaweeyo. Dumarka qaarkood halkan ayay ku umuleen, marka waxaan aamin sanahay inaan meel fiican dooranay,’’ ayay tiri.

Xarumaha nafta lagu badbaadiyo ah ee xarunta caafimaadka hooyada iyo ilmaha ee waxaa suurta galiyay barnaamijka wadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya. (JHNP).

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends