Joint Health and Nutrition Programme

News (Somali version)

Tababarka umulisooyinka ee Burco, Somaliland | Views the English Version

Date: 29 / June / 2015 /

© JHNP/Adriane Ohanesian 2014

Fadumo Maxamed Axmed oo da’deedu tahay 45 jir ah waxay umuliso ahayd ku dhowaad 30 sano, waxayna tababartaa umulisooyinka yaryar ee dugsiga tababarka umulisooyinka ee Burco, Somaliland. Fadumo waa haweeney bashaash ah, waxayna ku qososhay in ay xaadir ahayd markay ardaydeeda qaarkood ay dhalanaayeen. Inkastoo ay umulisooyin badan tababartay, Fadumo waxay carrabka ku adkeysay in weli ay yaryihiin umulisooyin tababaran bulshada dhexdeeda. ‘’Ma haysano umulisooyin nagu filan ilaa iyo inta tuula kasto laga helaayo hal umuliso,’’ ayay tiri.

Dumarka kasoo jeeda bulshooyinka reer miyiga ah waxaa la siiya mudnaanta koowaad ay kusoo biiraan dugsiga umulisooyinka. Markay dugsiga galaan, dumarka waxaa la baraa sida loo daryeelo hooyooyinka uurreyda ah iyo carruurtooda ka hor intay dhalin, markay dhalayaan iyo kadib markay dhalaan. Waxaa kale oo ay bartaan daryeelka cunuga dhallaanka ah sida naas nuujinta, nadaafadda iyo sida loo xaddido infection-ka  si ay u baraan uguna wacyi geliyaan bulshada reer miyiga ah arrimahan. ‘’Gabar kasta markay halkan ka qallin-jabiso waxaa loo dhiibaa kaartoon, wax kastana way haysataa. Haddii qof uu ugu yimaado tuulada uuna ku yiraahdo, ‘xaaskeyga wa ay foolaneysaa,’ wa ay u oroddaa,’’ ayay tiri Fadumo. Doorka umulisooyinka waa inay daryeel inta ay awoodaan siiyaan bulshooyinka aan wax xarun caafimaad ah haysan. Umulisooyinka waxaa qaasatan loo tababaraa inay wakhti hore bukaanada u gudbiyaan isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka, ‘’Markay arkaan dumar ay guryahooda ku caawin karin, wakhti fiican ayay gudbiyaan si looga hortago dhibaatooyin,’’ ayay ku dartay Fadumo.

Markii lagasoo tago in meelaha ka fog magaalooyinka ayna lahayn xarumo caafimaad, haddana wax barasho la’anta ayaa ah caqabad kale. ‘’Dadka ma yaqaanaan sida loo isticmaalo xarumaha caafimaadka. Dadka qaarkood ma fahansana faa’iidada umulisooyinka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ay leeyihiin.’’ Bulshooyinka dumarkooda inta badan ma haystaan agab u fududeeya inay dhalaan. ‘’Ma joogaan dhakhaatiir, ma jiraan umulisooyin, wax jooga malahan. Marka, markay naag foolato, ma haysato qof caawiyo. Haddii aad arrintaas ka fikirto waad la murugoon,’’ ayay ku dartay, ayadoo madaxo ruxayso.

Fadumo waxay ku rajo wayn tahay markii umulisooyinkan tababaran ay ku laabtaan tuulooyinkooda, inay caawin kari doonaan bulshooyinkooda. ‘’Waxaan rajaynayaa markay tuulooyinkooda ku laabtaan inay yareyn karaan dhimashada dumarka iyo carruurta,’’ ayay tiri. In badan oo ka mid ah dumarka la tababaraayo waa kuwo ugu horeeyo ee la wax baray, waxayna noqoyaan dadka ugu horeeyo ee geeya guryahooda aqoonta habka si nabad ah loo dhali karo. ‘’Haddii bulshada ay arkaan hal gabar oo kasoo jeedda tuuladooda oo wax baratay ayagana wax bareyso, waxaan u maleynayaa barnaamijkan isbeddel ayay keeneysaa,’’ ayay tiri Fadumo ayadoo dhoola caddeeyneyso.

Barnaamijka badbaadineed ee tababarka umulisooyinka ee Burco, Somaliland, waxaa suurta galiyay barnaamijka wadaagga ah ee caafimaadka iyo nafaqada ee Soomaaliya. (JHNP).

Barnaamijka waxaa uu taageeraa 11 skool ee kan oo kale ee Soomaaliya.

JHNP waa barnaamij horumarineed oo ay wadaagaan deeq-bixiyaal dhowr ah, waxaana meel marinayaa WHO, UNICEF, iyo UNFPA iyo mas’uuliyiinta caafimaadka ee Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadka 2016, barnaamijka waxaa uu siinayaa ilaa iyo 6 milyan oo Soomaali ah adeegyo caafimaad ee aad loogu baahnaa si bilaash ah, ayadoo lagu xaqiinaayo in ugu yaraan 13,000 oo hooyooyin ah ay helayaan adeegyada degdegga ah ee dhameystiran ee daryeelka uurreeydaa ee isbitaalada 24 saacadood furan ee loo gudbiyo bukaannada kuwaasoo ku yaalaan sagaalka gobol ee Soomaaliya ka tirsan oo loogu talo galay mashruucan.

Barnaamijka waxaa kale uu dhisayaa nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo lagu wanaajinaaya hoggaanka dowladda, tababarka iyo shaqo siinta shaqaalaha caafimaadka iyo bixinta daawooyinka muhiimka ah, tallaalka iyo teknoolojiyadda loo baahan yahay.

Waxaa mashruucan ka qayb qaatay oo ugu waa weyn waa Waaxda Horumarinta Caalamiga ee dowladda Ingiriiska (DFID), dowladda Sweden, dowladda Finland, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Australia (AusAID), Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Swiss-ka (SDC) iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Mareykanka (USAID).


Share this with friends